Puntland: Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab

0
295

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa so qabtay ila 3 ruux kuwaas oo lagu ee deyay dilal iyo inay xiriir la leyihhin Ururka Daacish iyo Al-Shabaab ee ka dagaalamo dhulka buuralayda Galgala iyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada ee Puntland ayaa xukunno dil iyo xarig isugu jira ku ridey ragaan, Gududdoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu Ibraahim Bile Maxamed ayaa sheegay laba mid ah raggaas lagu riday Xukun dil toogasho ah.

Raga dilka lagu fuliyay Magacyadooda ayaa lagu sheegay sidaan Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed Cabdiraxmaan Tooshle, kuwaasi oo lagu eedeeyay in deegaano ka tirsan Puntland ay ka geysteen dilal kala duwan.

Eedesanaha kale ayay Maxkamadda ku riday xukun 20 sano ah waxaana lagu Magacabaa Maxamuud Shiniyow Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here