140 qof oo muhajiriin ah oo ku dhintay dooni dab qabsaday

0
471

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka aduunka ee marka Magacooda laso gaabiyo loo yaqaano IOM ayaa xaqiijisay geerida 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Qaarada Yurub.

Dadkaan ayaa dooni ay saarnayeen  waxa qabsaday dab waxaana doonta saarnaa dad gaarayo labo boqol oo ruux kuwaas oo doonayay inay Yurub ka helaan magan-galyo.

Doontaan oo ka ambabaxday Magaalada Mbour oo 100-km  koonfur ka xigta Magaalada caasimada ah ee Dakar,ayaa warku intaa ku daray in ay ka badbaadeen 60-ruux, ka dib kolkii ay shilkaasi ku baxeen ciidamada badda ee Senegal ,kuwo ka socday Isbaanishka iyo kaluumeysato.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka aduunka ee marka Magacooda laso gaabiyo loo yaqaano IOM ayaa shaaca ka qaaday in Tirada dadka ka ambabaxaya Galbeedka Afrika ay aad u korartay sanadkaan.

Dhanka kale IOM ayaa cadeesay in isla sanadkaan gudihiisa xeebaha Wadanka Senegal ay ku dhinteen dad gaarayo ilaa 120 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here