Itoobiya: dagaal dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta oo khasaare ka dhashay

0
503

Wararka naga soo gaarayo xadka ismaamulka Soomaalida iyo Canfarta ee waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in uu dhexmaray dagaal labadaan qoomiyadood, Dowlada Itoobiya oo war qoraal kasoo saartay dirirta dhexmartay dhinacyada dagaalamay ayaa sheegatay inay dhinteen 27-ruux.

“27-qof ayaa loo dilay “sababo la xiriira isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaaliya iyo Canfarta”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xukuumadda Itoobiya.

Qomiyadahaan ayaa isku hayo muran la xiriira dhanka dhulalka oo mudo dhowr jeer oo hore sababay dagaalo ay wada-galeen Soomaalida iyo Canfarta kaasoo ay ka dhasheen khasaaro naf iyo maalba leh.

“Maleeshiyada maxalligga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” sidaas waxa wakaaladda Reuters u sheegay Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida.

Qoomiyadaha ku nool Itoobiya ayaa sanadadii ugu danbeeyay waxaa dhexmarayay isku dhacyo si wayn looga dareemay guud ahaan wadankaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here