Wasiirka kowaad Mudane Rooble oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0
126

Wasiirka kowaad ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.

Mudane Rooble Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa qiray in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya islamarkaana ay ilaalin doonaan wax kasta oo kor loogu qaadayo wadajir Soomaaliya iyo Turkiga.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd. Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena”. Ayuu yiri Mudane Rooble.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya wuxuu cadeeyay in Soomaaliya ay u bahan tahay garab istaag islamarkaana ay ku jirto xili adag wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin inta ay awoodaan inay ka caawiyaan wixii ay u bahan tahay Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waxa ay kaalinta kowaad kaga jirtaa Wadamada Soomaaliya ka caawiya baahiyaha dhabta ay qabto sida Arrimaha banii’aadamnimada taageerada dhaqaalaha, amnigga, Gargaarka iyo dhisida Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here