Baarlamaanka Turkiga oo u codeeyay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Azerbaijan.

0
19

Xildhibaanada Baarlamaanka waddanka Turkiga ayaa Talaadadii u oggolaaday xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inay ciidamo nabad ilaalin ah geeyso Azerbaijan si ay ula socdaan heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro khilaafka gobolka.

Mudanayaasha ayaa cod gacantaag ah ugu codeeyay muddo hal sano ah oo u oggolaanaysa dawladda inay ciidamo u dirto Azerbaijan, halkaasoo ay ku indha indheyn doonaan xadgudubyada xabad joojinta ee ka imaan kara xarun kormeer oo si wadajir ah oo ay wadaagaan Turkiga iyo Ruushka.

Xabad joojinta ayaa soo afjartay lix todobaad oo dagaal qaraar uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo Armenia oo ku saabsanaa gobolka Nagorno-Karabakh kaasoo lagu muran Sanaa.

Xukuumadda Erdogan ayaa go’aansan laheyd tirada ciidamada loo dirayo lamana oga inta dal ee qorsheyneysa in la geeyo. Dhaqdhaqaaqa wuxuu sheegayaa in shaqaalaha rayidka sidoo kale la geyn karo qayb ka mid ah howlaha nabad ilaalinta.

Wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka Ruushka iyo Turkiga ayaa Toddobaadkii hore kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu aas-aasayo xarun kormeer ah oo ku taal Azerbaijan, inkastoo faahfaahinta farsamada ee howlgalka weli la shaqeynayo.

Dowladda Azerbaijan ayaa kadaal ka riixaysay xulafadeeda Turkiga, oo ka taageertay Baku dagaalada, inay door firfircoon ka qaadato wadahadalada nabada waxayna ahayd tii ugu horaysay ee shaacisa sida ay uga go’an tahay la socodka heshiiska xabad joojinta.

Wararka laga soo xigtay Saraakiisha Ruushka ayaa sheegaya in ka qeyb qaadashada Ankara ay ku koobnaan doonto shaqada xarunta la socodka ee dhulka Azerbaijani, ciidamada nabad ilaalinta ee Turkiga ma aadi doonaan Nagorno-Karabakh.

Sergey Lavrov Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka ayaa sheegay in xaruntani ay ku shaqeyn doonto meel fog iyadoo la adeegsan doono diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo habab kale oo farsamo si loola socdo xadgudubyada dhici kara. Waajibaadka ayaa sii dheereynaya ka-qaybgalka milatari ee Turkiga illaa Bariga Dhexe illaa Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here