Dagaalka Tigraay Itoobiya oo sii xoogesanaya.

0
23

Wararka aynu ka heleyno waddanka Itoobiya oo todobaad yadii lasoo dhaafay ay ka socdeen dirir xoogan oo u dhaxeysa ciidamada fedraalka ah ee Itoobiya iyo kuwa daacadda u ah TPLF ee ismaamulka Tigray ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya sheegtay in ciidamadeeda ay ku sii dhawaanayaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, kadib markii laga gudbay waqti laba toddobaad oo dagaal ah.

“Ficilka ugu dambeeya ee fulinta sharciga waxaa la fulin doonaa maalmaha soo socda,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Guddiga Abiy u xil saaray dagaalka Tigray ayaa dhankoodana ku eedeeyey Tigray inay burburiyeen buundooyin isku xira magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka, si ay u joojiyan ciidamada federaalka ee kusoo siqaya.

“Fallaagada TPLF waxaa dhowaan lagula xisaabtami doonaa burburinta kaabayaasha iyo dambiyada ay ku kacayaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale Ciidamad Federaalka ayaa sheegtay in ay  xorreeyeen  deegaanada Raya, Chercher, G ugufto iyo Mehoni oo ku yaalla qeybaha bari ee gobolka Tigray, iyo deegaanada Shire oo ku yaalla dhinaca galbeed.

Ciidamada federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay burburiyeen saldhigyo militari xilli ay kusii socdeen Mekelle.

“Ciidamada fallaagada waxey hadda ku jiraan dib u gurasho, waxaana ku siqaya kuwa federaalka si cadaaladda loo mariyo,” ayey tiri dowladda.

Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa ku eedeeyey ciidamada federaalka inay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sonkor, ayaga oo si “arxan darro ah” u weeraraya shacabka shanta milyan ah ee Tigray-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here