Labo sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu daray liiska argagixisada.

0
20

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda waddanka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in Dowladda Mareykanka ay liiska argagixisada ku dirtay Labo sarkaal oo tirsan ururka Al-shabaab,

C/llaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaano Engineer Ismaaciil iyo Macalin Ayman oo magaciisa yahay C/casiis Dhubow oo dhammaantood ka tirsan Saraakiisha sar sare maleeshiyada Shabab ayaa la sheegay in lagu daray liiska  Argagixisada caalamiga ah

C/casiis Dhubow iyo C/llaahi Cusmaan Maxamed ayaa labaduba qoraalka lagu sheegay in ay Shabaab kala u hayaan shaqooyin muhiim ah

Sarkaalka lagu magacaabo C/llaahi Cusmaan  ayaa lagu sheegay warbixinta in uu yahay Khabiir dhanka Qaraxyada iyo Madaxa Qaraxyada Al-Shabaab, sidoo kalena ah La Taliyaha gaarka Hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo Madaxa Warbaahinta Al-Shabaab.

C/casiis Dhubow  uu magaciisa afgarashadu lahay Macallim Ayman ayaa hoggaamiya Guutada Ayman, waxaana ay ka howlgalaan Soomaaliya iyo Kenya,kuwaa oo marar badan geystay weerar culus oo galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali iyo Kenyaan ah.

Al-shabaab ayaa sanadkii 2008 guud ahaan lagu daray liiska Argagixisada, kaddib markii ururkan uu sanadkii 2012 ku biirtay Ururweynaja Al-Qaacida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here