Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo loo magacaabay Wasiir cusub

0
20

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaare xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u magacaabay Maxamed C/risaaq Maxamuud, iyadoo uu xilka ka qaaday Wasiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad.

Cusmaan Dubbe Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay magacaabidda Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Maxamed C/riaaaq iyo xil ka qaadista Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Wasiir Dubbe ayaa Sidoo kale sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay Safiir Axmed Ciise Cawad, inkastoo horay uu Safiir uga soo noqday dalka Mareykanka, haddana lama shaacin dalka Safiir looga dhiga.

Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Maxamed C/risaaq ayaa kamid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha ee doorashadii 2017, sidoo kale waxaa uu soo noqday La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka.

Xil ka qaadista Axmed Ciise Cawad ayaa la ogeyn inay ku timid cadaadis ka yimid dowlada Itoobiya iyo in kale, iyadoo xalay barta Twitter-ka ee Wasaaradda la soo dhigay qoraal looga hadlayay xaaladda dalka Itoobiya iyo walaaca dowladda Soomaaliya ka qabto, isla markaana lagu baaqay in la xaliyo dagaalka gudaha ee Itoobiya, hase ahaatee markii dambe laga saaray, isla markaana uu Cawad beeniyay inay jirto warqadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here