Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo diiday xilkii Safiirnimo uu u Magacaabay Madaxwaynaha

0
22

Amb, Axmed Ciise Cawad Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn qabashada xil Safiir oo Xukuumadda Soomaaliya sheegtay inay u Magacaawday, kaddib markii xilka laga qaaday.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Amb, Axmed Ciise Cawad ayuu iska diiday xil Safiirnimo islamarkaana aan la carabaabin dalka looga dhigay.

Amb, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraalkisii uu soo dhigay xalay twitter-ka kaga mahadceliyay Madaxwaynaha Soomaaliya magacaabistii Wasiirnimo 2-sano ka hor iyo midda hadda loo waday ee Safiirnimo.

Wasiirkii hore ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa wareegto ka soo baxay xafiiska Ra”iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xilka looga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here