50 Ardey Soomaali ah oo ku go’doonsan Magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya

0
23

Ardey Soomaali ah oo tira ahaan gaaraya 50 arday  islamarkaan wax ka baraneysay Jaamacadu ku yaala  magaalada Mekelle ee waqooyigga Itoobiya ee ay dirirtu ka socota ayaa lagu waramayaa in ay ku go’doonsan yihiin magaaladaasi  

Ardeydan ayaan wax war ah laga helin tan iyo markii ay halkaa ka qarxeen dagaallada, madaama la jaray ama la gooyay isgaarsiintii gobolka.

Wararka laga helayo gobalka ayaa sheegaya Qaar ka mid ah ehelada Ardeydan ay walwal badan ka qabaan xaaladooda nabadgalyo madaama aysan jirin wax xiriir ah oo ay la leeyihiin.

Kontonkaan arday ee ku sugan magaalada Mekele ee caasimada gobolka Tigraay ayaa intooda badan qaab deeq waxbarasho ah ku dhigta Jaamacada Mekele

Mareykanka ayaa dhawaan ka codsaday dowladda Itoobiya in dib loo soo celiyo isgaarsiinta gobolka si xiriir loola sameeyo dadka ajaanibta ee ku dhibaateysan gobolka ay dagaalladu ka socdaan gaar ahaan muwaadiniinta Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here