Kismaayo: Shacabka Xaafada Farjano oo bilaabay barnaamij is-xilqaan ah oo dib loogu dhisayo mid kamid ah wadooyinka halbowlaha Magaalada

0
30

Qaar kamid shacabka ku nool waaxda horseed ee  Xaafadda Farjano Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa maanta bilaabay barnaamij is-xilqaan ah oo dib loogu dhisayo mid kamid ah wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka  xaafadaasi iyo guud ahaan xaafadaha Magaalada.

Gudoomiye ku xigeenka Dagmada Kismaayo Rashiid Maduuloow ayaa kasoo qeyb galey dayactirka wadadani isagoo sheegay in ay muhiim tahay isxilqaanka iskaa wax u qabso ah loogana baahan yahay dhammaan dadka ku nool xaafadaha kale ee Kismaayo in ay qaadaan tilaabadani oo kale

“Walalayaal barnaamijkaan isxilqaan waa mid anaga oo dhan faa’ido nogu jiro sidaas darted waa ina u kacnaa sidii aan wax u qabsan laheen”. Ayu yiri Gudoomiye ku xigeenka Dagmada Kismaayo.

Gudoomiye ku xigeenka Xaafada Farjano Mahad Cabdi Qalinle iyo Qaar kamid ah shacabka ku nool xaafada Farjano gaar ahaan waaxda horseed ayaa Dowlada hoose uga mahadceliyey kasoo furintaanka barnamaijkaan kana codsaday in garab lagu siiyo dhismaha wadadani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here