Madaxda mucaaradka dalka oo lagu wado in ay ku kulmaan Muqdisho.

0
18

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sheegaya in maanta lagu wado in hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka ah uu shir uga furmo Muqdisho kaasoo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka iyo dooda ay ka qabaan guddiga doorashooyinka dadban oo in badan oo kamid ah ay kasoo horjeedaan.

Kulankaan ayaa socon doona Saddex maalin qodobada looga hadli doonana waxaa kamid ah sidii loo heli lahaa guddi madax-banaan oo dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Siyaasiyiinta Shirkaan ka qeyb gali doonna ayaa waxaa ka mid ah Daahir Maxamuud Geelle hoggaamiyaha xisbiga Danqaran hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Labadii Madaxweyne ee hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed

Madaxdii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Cabdulqaadir Cosoble hoggaamiyaha xisbiga Ileys.

Inta badan madaxda Mucaaraadka ah ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalka, waxaana ay sheegeen in hanaan qaldan ay ku socoto doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here