Midowga Afrika oo gudi u xilsaaray colaadda ka taagan Itoobiya.

0
20

Wali waxaa soconaya dadaalada ay madaxda afrikaan ah ku bixinayaan xal u helida colaadaha ka jira Ismaamulka Tigray ee waqooyigga waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Shakhsiyaad caan ah oo horay Madaxweyne uga soo noqday qaar ka mid ah dalalka Afrika u xil saaray in ay  ka  shaqeeyaan xal u helida Xaaladda Itoobiya.

Shaqsiyaadka  loo xil saaray xaaladda gobolka Tigreeda ayaa kala ah  Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Liberia iyo  Kgalema Motlanthe, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.

“Shaqadooda ayaa ah  dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Itoobiya’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Qoraalkaan ayaa la shaaciyay kadib wadahadalo dhexmaray madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Ramaphosa wuxuu muujiyay mahadcelintiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Mudane Abiy Ahmed ee aqbalay qorshahan, wuxuuna cadeeyay wada shaqaynta dawlada Itoobiya ee fududaynta shaqada Wakiilada Gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here