Qarramada Midoobey oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta gobolka ay dagaalladu ka socdaan ee Tigrayga,

0
21

Wararka ayaa sheegaya in xaalad bani’aadannimo tii ugu xumeyd ay soo food saartay dadka rayidka ah ee ku go’doonsan deegaannada lagu dagaalamayo.

”Waan in la helaan tub ama dariiq gargaarka loo baahan yahay lagu gaarsiiyo dadka rayidka rayidka ah ee ku dhibaateysan deegaannada ay dirirtu ka socto” ayeey sheegtay QM.

Dowladda Itoobiya iyo madaxda Ismaamulka Tigrey ayaa u muuqda in marnaba eysan u dhaga-nuglaan baaqyada is daba jooga ah ee ka imanaya hay’addaha caalamiga, iyaga oo taa badalkeeda sii wadda howlgalada militari ee u muuqda kuwa aan lagu kala adkaan.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeeda ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here