Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo raalli gelin ka bixiyay dhibkii ka dhacay Guriga C/raxmaan C/shakuur.

0
19

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya haatan ah Musharax murashax u u taagan hanashada xilka madaxweynenimo ee dalka  Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hoygiisa ugu tagay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoona kulankaan uu ka dambeeyay dadaalo dhex dhexaadin ahaa oo ka soo bilowday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Musharax Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Senator Dhagdheer ayaa tagay hoyga C/raxmaan C/shakuur, isla markaana si wanaagsan loo soo dhoweeyay.

Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu bartiisa soo geliyay waxaa uu ku sheegay inuu raalli gelin ka bixiyay dhibkii ka dhacay 17-ka December 2017 hoyga C/raxman C/shakuur iyadoona halkaasi ay dhibaato ka soo gaartay isaga iyo ilaaladiisa kadib weerar Ciidanka Nabadsugida ku qaaday, laguna dilay lix ka tirsan ilaaladii C/raxman C/shakuur.

caawa waxaan hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.

Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here