Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo daah-furtay qorshaha axdiga heer Dowalad Goboleed ee Haweenka Soomaaliyeed

0
20

Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xaquuqul Iinsaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta daah-furtay qorshaha axdiga heer Dowalad Goboleed ee Haweenka Soomaaliyeed.

Daah-furka barnaamijkaan Axdiga Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaradda Haweenka ee Dowlad Goboleedka Jubaland Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaaliif Wasiirka Wasaradda Ganacsiga Cabdi Nuur Cali Aadan Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ee Gobolka Jubbada hoose Faadumo Aadan Kateela odayasha dhaqanka ururada haweenka iyo bulshada qayba heda kala duwan

Hal ku dhigga sanadkaan axdiga haweenka Soomaaliyeed ayaa ahaa u hiili Haweenka Soomaaliyeed

Intii ay socotay Munaasabadaan ayaa waxaa looga hadlay Laguna xoojiyay in haweenka ay yihiin laf dhabarta bulshada Soomaaliyeed isla markaana loo simo haweenka iyo ragga shaqo walba oo markaa taagan ayadoo xooga la saarayo ka qayb galka haweenka ee Arrimaha Siyaasadda yareynta tacadiyada inta badan ay la kulmaan dumarka Soomaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here