Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland oo xariga ka jartay Xafiisyo cusub

0
28

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubbbaland ayaa maanta xariga ka jartay xafiisyo dheeri ah oo qalabayn lagu sameeyey islamarkaana agab kale lagu soo kordhiyey.

Xaflad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda ayaa waxa ka soo qayb galay qaar kamid ah golloha Wasiirada Jubbaland Gudoomiyaha Gudiga xanaanad xoolaha barlamanaka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo shaqaalaha Wasaradda.

Ugu horayn waxa goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Waasaradda Xanaada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubbaland Cabdulaahi Cali Faarax wuxuuna sheegay in xafiisyadaan ay wax badan ka tari doonto baahidii lo qabay.

“Xafiisyadaan mudo badan ayaa ku jirnay howshooda maanta ayay suurtagashay waxaana rajeynenaa in Wasaaradda Xanaanada ay u baahneed xafiisyadaan”. Ayu yiri Agaasimaha Guud ee Waasaradda Xanaada Xoolaha.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gudiga Xanaanada Xoolaha ee Baarlamaanka Jubbaland Cali Cabdi Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqada ay qabatay Wasaaradda.

Wasiiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryanta Jubbaland Injineer Cismaaciil Axmed Garas oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha Wasaaradda ay helaan xafiisyo cusub oo ay ku shaqeeyaan.

“Shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha inay helaan xafiisyo dheeri waa mid lo baahnaa sababto ah Wasaaradda wexe qabtay baahi xafiisyo” ayu dhahay Wasiiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here