Abiy Axmed oo amray in dagaalkii ugu dambeeyey lagu qaado magaaladda Maqalle.

0
46

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markale amray in duulaan culus ay ku qaadaan Ciidamada Federaalka Itoobiya meelaha ay ku sugan yihiin xoogaga TPLF ee gobolka Tigreega.

War kasoo baxay Abiy Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in uu dhamaaday muddadii loo qabtay in ay isku soo dhiibaan Saraakiisha TPLF, isla markaana ay jiraan kuwo ka faa’iideystay inta hartayna lagu qaadayo dagaal culus.

” Waqtigii aan u qabanay in ay isku dhiibeen Xubnaha TPLF waa dhamaaday, qaar badan ayaa fursadan ka faa’iideystay  oo naftooda iyo dalkaba u turay, kuwa kale waa lasoo qabanayaa, waxaana amray bilowga howlgalka qeybihiisa u dambeeya, dadka waa in ay la shaqeeyaan ciidanka waa in ay taxadaraan gudaha Makele ayaa lagu yiri” Qoraalka Abiy Axmed soo saaray.

4-tii Bishaan ayuu bilowday dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF ee kajira Gobolka Tigreega Itoobiya, waxaana labada dhinac ay kala sheegayaan inay guulo waaweyn gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here