Ra’iisul Wasaarahii Hore Ee Sudan Sadiq Al-Mahdi oo Geeriyooday.

0
51

Sadiq Al-Mahdi, Ra’iisulwasaarahii hore ee dalka Sudan, isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah, magacna ku lahaa dalkaasi ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Imaaraadka saakay oo Khamiis ah.

Wuxuu ahaa Ra’iisulwasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Sadiq Al-Mahdi  oo ahaa 84 jir wuxuu Raysulwasaare ka soo noqday dalka Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 iyo sidoo kale 1986 ilaa 1989.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here