Shariif Sheekh Axmed oo ku wahan Baydhabo.

0
63

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu bilow u yahay socdaalo uu ku tagayo magaalooyinka dalka, si uu ugu ololeeyo doorashada soo socota.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo Amniga siwyen loo adkeeyay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here