Agaasimaha Isbitaalka Raaskaambooni oo faahfaahiyay baahiyaha ka jira

0
100

Magaalada Raaskaambooni oo dhacda cirifka koonfureed ee Soomaaliya waa mid ah goobaha muhiimka ah ee dalkeenna, waxay hoostagtaa Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Magaalada Raaskaambooni waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 2,500 qoys, dadkaas badi noloshoodu ku tiirsan tahay wax soo saarka badda.

Duruufaha ka jira qaybo badan oo kamid ah dalka ayey la wadaagtaa Magaaladu, waxaana ugu daran dhanka caafimaadka, Magaaladu waxay leedahay hal isbitaal kaas oo la daalaadhacaya duruufo isugu jira dhismaha oo duugoobay, daawada oo ku yar, qalabka adeega caafimaadka oo gabaabsi ah iyo Dhakhaatiirtii oo u baahnaa oo uusan haysan.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Magaalada Raaskaambooni Cali Cabdi Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyey howlaha guud ee uu Isbitaalka u qabto bulshada iyo baahiyaha ka jira.

“Xarunta waxay ka kooban tahay qaybta bukaan socodka, qaybta dhalmada, nafaqa darada mida dhexe iyo mida saa’idka ah , iyo qaybta talaalka”. Ayuu yiri Agaasimaha guud ee isbitaalka Magaalada Raaskaambooni.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Magaalada Raaskaambooni ayaa sheegay in ay u bahanyihiin gawaarida gargaarka dag daga ah oo markii lo baahdo lagu so qaado qofka dhibataysan.

“Hooyada uurka leh mar mar ayay waxa ay galaysaa xalaad adag oo ilmaha isgudbi karaan waxay u bahan tahay qaliin. Waxa u baahanahay dhaqtar qaliin in la keeno Magaalada”. Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha Isbitaalka oo ka hadlayay baahiyaha Isbitaalka ayaa sheegay in shaqaalaha Isbitaalka ay u bahan yihiin tababaro aqoon korarsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here