Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho & faah faahin laga helayo.

0
41

Wararka ka imaanaya duleedka magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah duleedka Magaalada Muqdisho uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee duleedka  Magaalada Muqdisho, isla markaana lala eegtay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada halkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Goob ay ku sugnaayeen Injineerada Turkiga & Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararka horudhaca ah ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda halka mid kamid ah Injineerada Turkiga uu ku dhaawacmay.

Dhismaha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan maraya halka loo yaqaan Soos, oo u dhaxeeyso Lafoole iyo Xaawo Cabdi, waxaana amaanka waddada sugaya Booliska sida gaarka ah u tababaran ee  Haramcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here