Gudigga doorashooyinka Somaliland oo bilaabay diiwaangelinta Cod-bixiyaasha ee lagu muransan yahay.

0
22

Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa sheegaya in Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ay bilaabeen Diiwaangelinta Codbixiyayaasha  ee degmo-doorashooyinka Taleex, Xudun & Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Ceerigaabo, Badhan iyo Dhahar  ee Gobolka Sanaag.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddiga oo ay wehelinayaan Hoggaamiyayaasha axsaabta siyaasadeed ayaa si talan-taali ah ugu sameeyay Kormeer iyo Indho-indhayn goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Magaaladda Laascaanood iyo Ceerigaabo iyagoo halkaas kula hadlay saxaafadda, una mahadceliyay Hawl-wadeenada Goobaha Diiwaangelinta, Kormeerayaasha iyo Farsamo-yaqaanada Goobaha kuwaas oo dhammaantood muujiyay dedaal dheeraad ah.

Guddoomiyaha Komishanka, Eng. CabdiRashid Maxamed Cali, G/Xigeenka Mustafe Maxamed Daahir ayaa dhammaantood si weyn ugu hawlan dhammaystirka Diiwaangelinta degmo-doorashooyinka Taleex, Xudun & Laascaanood iyo Ceerigaabo, Badhan, Dhahar iyo Laasqoray ee Gobolka Sanaag. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Musharax-xigeenka Xisbiga UCID, Axmed Cabdi Muuse Abyan, iyo G/Xigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde iyo sidoo kale hoggaanada Axsaabta iyo Wasiirada Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah iyo Warfaafinta & Wacyigelinta Dadweynaha ayaa Guddiga  ku bogaadiyay hawlaha muhiimka ah oo ay ku mashquulsan yihiin ee ah Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Soomaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here