Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku dhimatay Dagaal ka dhacay deegaanka Kurtumo Gobolka Bari.

0
24

Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya dirir shalay dhexmartay maleeshiyo beeleedyo wada degga deegaanka Kurtumo, oo qiyaastii 18km u jirta Degmada Iskushuban ee Gobolka Bari ee Puntland.

Duqa Degmada Iskushuban, Maxamuud Ismaaciil Muuse ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen afar qof ayna ku dhaawacmeen sideed ruux oo ahaa maleeshiyadii deegaanka ku dagaalay

Sidoo kale Maxamuud Ismaaciil Muuse ayaa sheegay in dagaalka oo dhacay shalay uu soo gaaray gabal dhicii, isagoo intaa ku daray in dagaalka uu ka dhashay mid ka mida beelaha diriray oo ceel biyood halkaasi ka qodoneysay.

Ka hor dagaalka ayuu sheegay in uu guuldareystay wadahadalo u socday labadaasi beelood, oo mid ka mida ay ka biyo diidaneyd ceelkii halkaasi laga qododaayay.

Duqa Degmada Iskushuban Maxamuud Ismaaciil Muuse oo la hadlay warbaahint ayaa xusay in madaxda Puntland oo kaashanaya Odayaasha Dhaqanka uu bilaabay in uu kala dhexgalo labadaasi beelood, isla-markaana uu ciidan kala dhex dhigay.

Maamulka ayaa gebi ahaanba joojiyay in wax ceel ahi halkaasi laga qado, iyadoo labada dhinacba lagu wargeliyay in maamulka uu joojiyay qodistii ceelkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here