Ra’iisal wasaaraha dalka oo kulan laqaatay Xubnaha Guddiga Jaamacadaha ee dalka

0
19

Wasiirka koowaad ee xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka kula kulmay xubno ka socday Guddiga Jaamacadaha ee dalka.


Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubnahaasi kala hadlay horumarinta iyo tayeynta hannaanka tacliinta sare ee dalka si waxbarashada waddanka u noqoto mid tayo sare leh islamarkaana ula jaanqaado caalamka.


sidoo kale Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa la wadaagay Madaxda Jaamacadaha ee uu la kulmay, sida ay uga go’an tahay tayeynta iyo horumarinta waxbarashada oo aasaas u ah dib u dhiska dalka iyo sidii mustaqbalka dhow uu dalka u noqon lahaa mid horumarsan.


Xubnaha Guddiga Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa uga warbixiyay Ra’iisal Wasaaraha xaaladda waxbarashada sare ee dalka, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto dalka, si loo sii tayeeyo waxbarashada dalka.

isu-imaatinkaan ayaa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab) iyadoona la isla qaatay dhammaan qodobbadii ku saabsanaa tayeynta waxbarashada iyo horumarinteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here