Wasaaradda arrimaha dibbadda & Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Arrimaha kaalmooyinka dalka

0
18

Balal Cusman  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM),James Swan.

Wararka ayaa sheegaya in Labada Mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.

Balal Cusman iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka, isagoo daaha ka qaaday in dowladdu ay latashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taasoo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here