Aqoonyahan Xasan Sheekh Cali oo ku baaqay in la Qabto Doorasho Ku Saleysan Rabitaan”

0
18

Prof Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoon-yahanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo muran uu ka taagan yahay qaabka loo wajahayo waxaana dib u dhacay doorashada iyadoona uu eeddeeda arrimahaas oo dhana dusha ka saaray madaxweyne Farmaajo.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waqtigiisa 8-da February ayuu ku egyahay 7-da February  heshiis waa uu gaari karaa, waa la heshiin karaa, heshiiskii isaga lagu doortay diiwaankaas waxaa uu yaallaa xafiiska, haddii 7-February lagu heshiiyo 8-da waa la billaabi karaa, laakiin waxaa la raba rabitaan, waxaan ma hawl qaran baa mise waa hawl isagu uu leeyahay oo October oo kale ah Xisbiga Hanti wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed doorasho ah miyaa la qabanayaa mise doorasho la isla leeyahay” ayuu yiri Professorku.

Professorka ayaa sidoo kale yiri” 8-da February waa in la tagaa iyadoo heshiis la yahay oo wax kasta la dhammeeyo, waa in doorashadu dhacdo, iyadoo heshiis la yahay ha la tago February doorasha, May illaa June hala qabto dhib kama taagna, dadku waxay ka walwalsan yihiin iyadoo aan doorashadii la qaban oo aan la heshiin ayuu waagu noo baryey, iyadoo aan la heshiin madaxweynihiina waqtiga uu ka dhammaaday xaggee la aadaa marka.

Aqoon-yahanka ayaa sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay intuusan waqtiga ka dhammaan inuu dadka la heshiiyo” Saacad kasta oo 8-da February ka horreeysa madaxweynaha waxaa u furan inuu dadkiisa la heshiiyo, inuu aqbalo doorashadu in ay tahay National Issue oo aysan ahayn Personal Issue, sidii shalay uu ugu kalsoonaa doorasho nin kale qabanaayey illeen isagaa dhaqaalihii iyo ciidankii faraha ku hayee wixiisa ha habeysto haddii uu helo waakaas, haddii uu waayana raggii ka horreeyeyba waa ay waayeen” ayuu yiri Xuseen Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here