Haweeney ganacsata ah oo lagu Dilay Magaalada Boosaaso & faah faahin laga helayo

0
17

haweenay kamid ahayd ganacastada yar yar ee dharka ku iibisa suuqayada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu soo waramayaa in uu nin dablay ah uu toogasho ku dilay xili ay ku sugneyd goobteeda ganacsi.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Marxuum Caasho Maxamed Ceynab lagu dilay goobteeda ganacsiga islamarkaana ninkii ka dambeeyay dilkeeda uu goobta ka baxsaday.

Ciidamada amniga magaalada Boosaaso ayaa dilka kadib waxaa ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu qabtay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilaas.

Laamaha amniga Gobolka Bari weli wax faah faahin ah kama bixin dilkaas, iyada oo Magaalada Boosaaso dhowr jeer ay ka dhaceen dilal loo geystay mas’uuliyiin Askar & dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here