Mareykanka Oo Xuutiyiinta Ku Daraya Liiska Argagixisada Iyo Digniin Lasoo Saaray

0
17

Warar hor u dhac ah oo laga helayo waddanka Mareykanka ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanka ay qorsheyneysa in fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay u aqoonsato argagixiso xili dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan gudaha dalkaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay isa soo tarayaan digniino xoogan oo ka imaanaya dowladda Mareykanka kuwaasoo ku foogan xuutiyiinta hadii eysan wax badan ka badalin habdhaqankooda taasoo saameyn ku yeelan karto gargaarka bani’aadanimo ee la siiyo dadka ku sugan Yemen oo ay aafeeyeen dagaalo sokeeye.

Mike Pompeo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, oo haatan wakhtigiisu uu sii dhamaanayo waxaa uu sheegay in ujeedada tallaabadan ay tahay in lagu la xisaabatamo Xuutiyiinta oo uu sheegay inay geysteen weeraro ka baxsan dalka Yemen, kuwaas oo uu sheegay inay ku waxyeeleyeen dad rayid ah iyo maraakiib.

Qaar kamid ah hey’adaha gargaarka ee dalka Yemen waxay sheegeen inay ku qasaban yihiin inay joojiyaan gargaar ban’iaadanimo oo ay sheegeen inay ka wadaan goobo ay dadku macluul ugu dhimanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here