Midowgga Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Kulan Albaabada U Xiran Yahay Yeeshay

0
22

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Isu-taga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay kulan gaar ah ku yeeshay Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay Arrimo kala duwan oo qorsheysan danahooda.

Shirkaan oo ahaa mid Albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, caqabadaha weli ku hor gudban doorashada ka dhaceysa Soomaaliya iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimadda.

Xoga la helayo ayaa sheegaya in Musharaxiinta ay mid mid isku xog-wareysteen, isla markaana falanqeyn dheer ka yeeshay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada oo ay ku murasan yihiin Musharaxiinta, dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Dowladda dhexe.

Kulankaan ayaa inta uu socday Musharaxiinta waxaa lagu soo hadal qaaday Go’aankii Xukuumadda ka qaadatay qabashada doorashada, iyagoona xusay in go’aankaas uu yahay mid dhaawici kara midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Midowgga Musharaxiinta ayaa sheegay in muhiim ay tahay in xal buuxa laga gaaro muranka doorashada ka jira, sidoo kalena caddeeyay in aysan suura-gal aheyn in dalka laga qabto doorasho hal dhinac ah oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland,

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Midowga ay isla garteen in lasii dardar geliyo kulamada laga yeelanayo xaaladda siyaasadeed gaar ahaan doorashada, waxaana kulankii xalay goobjoog ka ahaa inta badan Musharaxiinta Madaxweynaha. Ugu daneyn Habeen horey ayey aheyd markii  Musharaxiinta ay kulan la qaateen Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, isla markaana kala hadlay arrimo ku aadan caqabadaha hor taagan doorashada 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here