Ciidanka amaanka degmada Laascaanood Oo Dad Badan U Xirtay Weerarkii Ka Dhacay Laascaanood.

0
21

Wararka laga helay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Somaliland ay xalay howlgal ka saameeyeen xaafaddo ka tirsan Laascaanood kaasoo ay ciidanku ku soo qab-qabteen dhalinyaro oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu tuuray goob ay ka socotay diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland.

Dhalinyaradaan lagu qabtay howlgalka ayaa waxaa lagu xiray Saldhig Ciidanka Booliska Magaalada Laascaanood, isla markaana waxaa la sheegay in raggaas ay socdaan baaritaano.

Qaar kamid ah Shacabka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaqa gambadii xalay la maqlay, kadibna ay xigtay rasaas badan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo xiligaas aaga ka agdhawaa. weerarkaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada amaanka iyo qof shacab ah waxaana saaka degan xaaladda, iyadoo Ciidanka Booliska ay la wareegeen gacan ku heysta goobtii la weeraray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here