Madaxweynaha Puntland oo kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo

0
23

Siciid Cabdullaahi Dani Madaxweynaha dowladd Goboleedka Puntland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Gollaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xeerkaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu yiri

Madaxweynaha Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey :-

1-Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo

2-Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here