Madaxweyne Trump oo maanta lagu wado in Aqalka Wakiillada xilka ka qaadaan

0
21

Maanta oo Arbaca ah ayaa waxaa lagu wadaa in aqalka wakiillada Mareykanka ay ka doodaan xil-kaqaadista madaxweynaha uu waqtigiisa sii dhammaanayo ee Mareykanka Donald Trump.

Mas’uuliyiinta aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta ayaa xil ka qaadista Donald Trump u adeegsan doona qodobka ‘Hurin Rabshado’ kaddib markii Arbacadi hore ay taageerayaashiisa xoog ku galeen xarunta Koongareeska.

dhibaatooyinkii ka dhashay ficilkaas ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta Koonagreeska ee Capitol Hill ee magaaladan Washington D.C.

Saddex mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay in ay taageersan yihiin in madaxweynaha Jamhuriga ah xilka laga qaado.


Liz Cheney oo ah haweeneey laga soo doorto gobolka Wyoming. Liz ayaa ah qofka saddexaad ee ugu darajada sareeya xildhibaannada Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada islamarkaana ka soo horjeestay Trump.

Donald Trump ayaa Mar uu shalay la hadlay wariyaasha, waxyar ka hor inta uusan u safrin gobolka Texsas, gaar ahaan dhinaca xadka Mexico si uu u booqdo darbiga halkaasi laga dhisayo, ayuu diiday inuu qaato mas’uuliyadda wixii ka dhacay Aqalka Koomgareeska.

Trump ayaa haddii xilka laga qaado noqon doonaa, madaxweynihi ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo laba jeer xil-ka-xayuubin lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here