Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka sannad laha ah ee bahda Garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

0
23

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ay ka qeyb galayaan hay’adaha cadaaladda heer federaal iyo heer dowlad goboleed

Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka, oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono qodobo ay ka mid yihiin xal u helida Musuq maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurka qodobo kale oo muhiim u ah arrimaha Garsoorka iyo 300 oo qof oo u badan sharci yaqaano iyo khubaro.

Isu-imaatinkaan oo socon doona labo maalin ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka,  Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka, iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here