Xukuumadda Itoobiya oo digniin adag u dirtay waddanka Sudaan

0
21

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay  hadallo digniin ah u dirtay dalka Sudan kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal ku muransan yihiin.

Dalalka Sudan iyo Itoobiya muddo dhan 10 sano waxaa ka dhex aloosanaa waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.

Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba todobaad ka hor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.

“Dhinaca Sudan waxay u muuqdaan inay doonayaan inay xaaladda sii huriyaan,”ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti oo saxaafadda kula hadlay Addisababa.

Dina Mufti ayaa Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya ay dagaal geli doonta ku jawaabtay in marka hore ay wanaagsan tahay in diblomasiyadda ay shaqeyso. Wuxuu intaa ku daray in wax walba ay dhammaad leeyihiin, isagoona ula jeeday in xallinta arrintan ee dhanka diblomaasiyadda ay tahay wax mudeysan.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Sudan, Feisal Maxamed Saleh ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Itoobiya, balse ciidamadooda ay ka jawaabi doonaan waxwalba oo uga yimaadda dhanka Itoobiya.

“Waxaanu ka cabsi qabnaa in hadalada kasoo yeeraya Itoobiya ay yihiin kuwa xanaf leh oo damqaya Sudan, waxaan Itoobiya weydiisaneyna inay joojiyaan weerarka ka dhanka ah madaxbanaanida dhuleed ee Sudan iyo beeraleyda Sudan,” ayuu wasiirka warfaafinta ee Sudan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sudan ayaa dhammaadka sanadkii tegay sheegtay inay la wareegtay dhul ay leedahay halka Itoobiyana ay Sudan ku eedeysay inay ka faaideysteen ciidamada Itoobiya ee ku mashquulsan dagaalka Tigray, ayna qabsadeen dhul ay Itoobiya leedahay. Qaramada midoobay warbixin ay dhawaan soo saartay mar ay ka hadleysay xaaladda bani’aadanimo ee Tigray ayaa waxay sheegtay inay jiraan warar sheegaya in labada dal ay ciidamo soo dhoobeen xadka. Xiisadda xadka ayaa timid xilli dalalka Sudan, Itoobiya iyo Masar ay isku dayayaan in xal laga gaaro ismarin waaga ka taagan biyo xireenka wabiga Nile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here