Midowga Yurub oo joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray Itoobiya

0
40

Midowga Yurub ayaa lagu soo waramayaa in uu hakiyay in ka badan 100 milyan oo doolar oo gargaar ahaan loo siin lahaa Itoobiya tan iyo inta hay’adaha gargaarka loo ogolaanayo inay galaan gobolka Tigrey si dadka halkaasi loo gargaaro.

Dalalka ku bohoobay Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay wararka sheegaya in dilal lala bartilmaameedsanayo qowmiyado gaar ah iyo waliba suurtagalnimada in dambiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa duullaan ku qaaday bishii November gobolka Tigrey ka dib markii ay xoogagga TPLF weerareen saldhig milatari oo ku yaalla gobolkaasi.

Xukuumadda fedaraalka Itoobiya ayaa isla dabayaaqadii bishaasi waxay ku dhawaaqday in howlgalkii ay qaaday uu guuleystay, balse midowga Yurub ayaa dhankooda sheegaya in xaaladu ay wali tahay mid halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here