Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay degaano falal Amni darro ka dhaceen

0
32

Wararka ka imaanayo degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ayaa sheegayo in Ammaanka Degmadaasi ay si aad ah loo Adkeeyay , iyada oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostago Degmada Matabaan, halkaas oo la sheegay in falal Amni darro ka dhaceen.

Wararka ayaa intaa ku darayo in Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay tageen deegaano hoostaga degmada Matabaan, halkaasoo dhawaan ay tageen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka dhacaan dagaal Beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah.

Dad Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay Guryaha qaar baaritaano ku sameynayeen, halka mararka qaar dhulka miyiga ah ee hoostaga degmada Matabaan ay howlgalka ka sameeynayeen.

Hoggaanka Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Hiiraan Ayaan wax faah faahin ka bixin howlgalka iyo waxa lagu soo qabtay, hayeeshee ilo Madax bannaan ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Ciidamada ay howlgalka ku qabteen dad farabadan oo u badan Dhalinyaro looga shakiyay inay la Shaqeeyaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Howlka ay  Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmada Matabaan iyo deegaannada hoostaga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Warar soo baxayay ay sheegayaan in Taliyaha Booliska Soomaaliya uu Shaqa joojin ku sameeyay Taliyaha Booliska Matabaan, Kadib markii degmada ay kusoo dhawaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab  isla markaana Ciidamada Booliska ay degmada isaga baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here