Madaxwehnaha K/Galbeed oo la kulmay Maamulka G/Bakool & kan Xudur.

0
42

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu xalay ku hoyday Xudur iyadoona  kulamo uu la qaatay  Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa kamid ah, Maamulada degmooyinka, Xudur, Rabdhuuro iyo Tiyeegloow, isaga oo kala hadlay dhibaatooyinka ka jira Gobolka Bakool iyo culeyska ay ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Macallim Axmed Guddoomiyaha degmada Xudur oo sharaxaad ka bixiyay kulanka ayaa sheegay inay Madaxweynaha u gudbiyeen dhibaatooyinka kajira Gobolka Bakool gaar ahaan xaaladda adag oo ay ku sugan yihiin Shacabka degmada Xudur oo u go’doonsan Al-Shabaab.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Maxaxweynaha uu u balan qaaday in si dhaqso leh wax looga qabto gaar ahaan in si deg deg ah Go’doonka looga qaado degmada Xudur oo bilihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab saareen culeys xoogan, taasoo keentay in xaaladdo bani’aadanimo oo daran inay gasho degmada Xudur.

Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo Saraakiisha Ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada si ay uga tashadaan sida ugu fudud ee looga qaadi karo culeyska heysta Shacabka degmada Xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here