RW Rooble oo kulan la Qaatay Madaxda Bangiyada dalka.

0
34

Maxamed Xuseen Rooble Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Bangiyada dalka, isagoo kormeer ku tegay Xarumaha qaar kamid ah Bangiyada dalka.

Mudane Rooble ayaa Madaxda bangiyadda kala hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku dhiirrigaliyay kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Sidoo kale balanqaad u sameeyey Madaxda Bangiyda dalka isagoona xusay in Xukuumaddu u fududeyn doonto howlahooda, si dhaqaalaha dalku u hormaro.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoogan oo ay ku dooneyso in lagu hormariyo dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here