Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo saraakiisha ciidanka kala hadlay furidda waddooyinka go’doonsan.

0
39

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee halkaas jooga.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Lafta-gareen iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa looga hadlay dib u furista waddooyinka ay go,doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab ee Gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Ciidamada faray dar-dar gelinta xaqiijinta amniga gobolka iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgal lagu furayo waddooyinka in muddo ah u go’doosan Al-shabaab.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Aadan Cabdinaasir Maxamed, Wasiirro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliyaha Qeybta 60-aad CXD General Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow.

Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maalin kahor gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool, isagoo kulan la qaatay Maamulka Gobolka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, wuxuuna kala hadlay xaaladda adeg ee Xudur.

Al-shabaab ayaa muddo 8 sanno ah go’doomiyey degmada Xudur ee Bakool, waxaana sidoo kale ay gubeen gaadiid shixnado Ganacsin u siday Ganacsato ku sugan degmadaas, kadib markii gaadiidka ay wada u galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here