Qaramada Midoobay oo digniin kasoo saartay xaaladda degmada Xuddur.

0
29

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka gar-gaarka ee UNOCHA ayaa ka deyrineysa xaaladda cunto ee magaalada Xuddur.

UNOCHA ayaa waxaa ay sheegtay in raashinka uu gabaabsi yahay, kadib markii magaalada ay gashay wax u muuqda go’doon, taana ay sababtay in sicirka uu sare u kaco.

Sidoo kale UNOCHA ayaa tilmaamtay in ay cabsi ka qabto in xaaladda ka jirta Xuddur ay sii murjiso dhibaatada Bani’aadanimo ee horay uga jirtay deegaankaas.

Ugu dambeyn Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka gargaarka ee UNOCHA ayaa ugu baaqday Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed iyo hay’adaha gargaarka in ay gacan ka geystaan caawinta dadka Xuddur.

Al-shabaab ayaa 8 sanno go’doon geliyey degmada Xuddur ee gobolka Bakool, isla markaana gubay gaadiid nooca xamuulka qaado ah oo shixdano ganacsi u siday ganacsato ku sugan Xuddur, waxaana arrintaan ay sababtay in uu yaraado raashinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here