Maamulka degmada Afmadow ayaa xaflad kooban oo xarigga looga jarayay mashruucii hirgalinta Layrarka ku shaqeeya cadceeda ku qabtay Magaalada Afmadow

0
61

Gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka ee degmada Afmadow ayaa xariga ka jaray layrarka ku shaqeeya cadceedda oo dhawaan laga hirgaliyey degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana mashaariicadan horumarineed gacan ka gaystay midoowga Yurub.

Tan iyo xiligii dowlad goboleedka Jubbaland ay degmada Afmadoow u sameysay Golaha deegaanka waxaa bilowday dardar galinta mashaariicda horumarineed ee degmada oo ay kamid yihiin gelinta Layrarka ku shaqeeya cadceedda kuwaasi oo kaalin weyn ka qadan doono horumarinta magaalada iyo amniga.

Gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka ee degmada Afmadoow Saalax Cumar Cabdi oo xariga ka jaray mashariicdan ayaa u mahad celiyey midoowga yurub waxa uuna bogaadiyey garab istaaga ay sameyeen mamulka degmada Afmadow.

Dhanka kale gudoomiye kuxigeenka ayaa dadka ku nool degmada Afmadow ugu baaqay in ay ilaaliyaan layrarkaan oo ah hanti ka dhaxeysa guud ahaan bulshada degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here