Cabdikariin Cali Cumar oo ahaa Safiirkii Hore Ee Soomaaliya Ee Dalka Mareykanka Oo Geeriyooday.

0
42

Safiirkii horey ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Mareykanka Cabdikariin Cali Cumar ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuum Cabdikariin uu ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Magaalada Columbus, isagoo la xaqiijiyay in xanuunkii haayay uu xalay u geeriyooday.

Marxuumka ayaa waxaa uu ahaa Safiirkii ugu dambeeyay ee dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u fadhiyay dalka Mareykanka, wuxuuna kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

Marxuum Cabdikariin ayaa hadda ahaa Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021, isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka diblumaasiyadda Soomaaliya aqoonta iyo xirfadda dheer u lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here