Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo abaal marin lacageed u balan-qaaday cidii soo disha Afhayeenka Al-Shabaab.

0
49

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa abaal marin lacageed u balan-qaaday cidii soo disha Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Guddoomiyaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayuu ku sheegay in cidii soo disha Cali Dheere uu siin doono abaal marin lacageed oo dhan $500,000 (Shan boqol oo ku dhon oo doolar).

Sidoo kale guddoomiye  Sanyare oo ka jawaabayay hadal dhowaan ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo isna ku baaqay in la soo dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif.

“Labo malyuun oo qof ayuu afkooda ku sheegay in la dilay Cali Dheere, waxaa balan-qaadayaa cidii isaga soo disha in la siinayo lacag shan boqol oo kun dollar”ayuu yiri Cabdiladiif.

Cabdiladiif walaalkiis oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ayaa waxaa horay u weerar is qarxin ah ugu dilay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here