Howgal Lagu Qabtay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Laga Fuliyay Degaanada jubbada hoose.

0
42

Ciidanka kumaandooska DANAB Ururka 5-aad Guutada 16-aad iyo Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka DANAB ayaa howlgalka sigaar uga sameeyay deegaanada kala duwan Beer-xaani, Cabdi dhoore, Qudus iyo Liba kuus, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada ay guri guri baaritaano kala duwan ugu sameeyeen howlgalka, isal markaana lagu soo qabtay 3 xubnood oo kamid ah Al-shabaab iyo Sarkaalkii hoggaaminayay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa shacabka ku dhaqan Gobolka Jubbada Hoose ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa horey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose uga sameeyay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoona ay dhinacyada dhexmareen dagaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here