Wasaaradda maaliyadda Puntland oo joojisay lacagaha loo kala safriyo gobolada.

0
40

Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Amar kasoo baxay ayaa waxaa lagu joojiyay lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee loo kala Safriyo Gobolada Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Warsame Ibaraahim lana ogeysiiyay, Wasiirka Maaliyadda Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga xalinta Suuqa lacagaha Puntland iyo Bangiga Puntland ayaa loo diray, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Taliska Guud  ee ilaalada Canshuuraha ee Puntland & Taliska Guud ee Booliska Puntland, kuwaas oo la faray inay dhaqan geliyaan Amarka Wasaaradda Maaliyadda.

“Iyada oo laga duulayo dhaqan gelinta Awaamiirta Guddiga xalinta dhibaatada Suuqa lacagaha ee Puntland waxaa la farayaa mas’uuliyiinta dhamaan baraha Canshuuraha ee kastamyada Puntland iyo taliska Ciidanka ilaalada Canshuuraha arrimaha soo socda.

1: in uusan u kala gudbi karin Gaadiid wada lacag Shillin Soomaali ah oo u socdo Gobol kale.

2: in la baaro Gaadiidka lana hudbiyo badeecadaha iyo waxkasta oo ay sidaan

3: in Gaarigii lagu qabto lacag Shillin Soomaali ah lagu soo xareeyo Saldhiga ugu dhow si loo mariyo Sharciga.

Ugu dambeyn Ganacsatada ayaa waxaa la faray inay joojiyaan lacagaha Shillin Soomaaliga ah oo ay u kala safriyaan Gobolada Puntland ayna qulqulka lacagta Shillin Soomaaliga ah soo dhexmariyaan Akoonada Bangiga Puntland, kadibna meesha uu uga baahan yahay uu ka qaato lacagtaas oo Shillin Soomaali ah.

Amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxaa uu daba socdaa qorsho Puntland ay wado ee ah socod siinta Shillin Soomaaliga si loo yareeyo sicir bararka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here