Booliska Ruushka oo xirxirey kumanaan ruux oo banaanbaxyo dhigayay.

0
39

Wararka eynu ka heleyno waddaanka Ruushka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska dalkaasi ay xabsiga u taxaabay inkabadan labo kun oo ruux kuwaasoo banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan xariga hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexey Navalny ka dhigayay magaalooyin ku yaal dalka Ruushka.

Navalny ninka sida weyn uga soo horjeda dowladda Ruushka ayaa la xirey dhowaan kadib markii uu ka soo laabtay dalka Jarmalka halkaa oo loo geeyay in laga soo daweeyo sun loo geliyay dharkiisa bishii August ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana la aaminsan yahay inay ka dambeeyeen sirdoonka Ruushka.

Dadka la xirey ayaa waxaa kamid ahayd xaaska hogaamiyaha mucaaradka, Yulia balse markii dambe ayaa la sii daayay.

Xukuumadda Ruushka ayaa hore uga digtay banana baxyada laga dhigo magaalooyinka dalkaasi iyado sheegtay inuu jiro cudurka safmarka ah ee Covid 19,waxaana loo shacabka inay xabsi muteysan karaan haddii ay ka qeyb galaan dibad-baxyo aan la fasaxin ,hase yeeshee banana-baxayaasha ayaa iska dhaga tiray iyadoona isugu soo baxay wadooyinka magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Ruushka xilli uu jiro qabow daran.

Kooxda la socodka banaanbaxyada ee OVD ayaa sheegtay in ugu yaraan 2,131 oo ruux oo 300 oo ka mid ah lagu xirey Moscow halka Saint Petersburg laga xirey 162 ruux. Balse tirada inta ugu badan ayaa lagu kala xirey inkaadan 70 magaalo oo ay ka dhaceen banaanbaxyada.

Navalny ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay isu soo bax weyn sameeyaan waxaana uu sugayaa maxkamad laga yaabo in xabsi sanado ah lagu xukumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here