Itoobiya oo masar ku eedeysay inay xasilooni darro ka abuureyso Soomaaliya.

0
37

Dowladda Itoobiya ayaa xukuumadda  Masar eedeysay in xasilooni darro ay ka buureeyso Soomaaliya Sida lagu daabacay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadola

Xogtaan ayaa waxaa laga soo xigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya, isla markaana codsaday in aan magaciisa loo adeegsan warbaahinta ayaa yiri “Masar waxa ay xoojisay dadaalada xasilooni darada ah ee ka dhanka ah itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika ee kacsan oo ay Soomaaliya kamid tahay.

 “Sanadkii lasoo dhaafay, Masar waxay isku dayday in ay saaxiib la noqoto dowladda federaalka Soomaaliya iyadda oo u balanqaadey taageero dhanka milatariga ah, balse Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay garteen ujeedada halista ah ee ka dambeysay wayna diideen taageerada ciidan ayaa lagu yiri” Warbixinta.

Diblumaasigaan ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masar ay u wareegatay dhinaca Soomaliland oo an weli aqoonsi helin, isla markaan Bishii Janaayo ay weeydiisteen Soomaaliland inay saldhig Millateri ka sameystaan.

Eedeynta ay Itoobiya u sheegay xumuukadda Masar ayaan weli ka jawaabin, iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale Itoobiya ugu eedeysay Masar in ay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here