Wafdi ka socda QM oo ku wajahan Dhuusamareeb.

0
35

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan iyo wafti uu hoggaaminayao ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Safarka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya uu ku tegayo magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah safaro uu ku tegayo dowlad goboleedyada, isla markaana uu kala hadlayo xalka gaarista muranka doorashooyinka.

Amb, Jemis Swan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya ayaa dhawaan tegay Magaalooyinka Garoowe & Baydhabo, isaga oo kulamo looga hadlayay doorashooyinka  la yeeshay Madaxdweynayaasha Koonfur Galbeed & Puntland.

Geesta kale  wararka la helayo ayaa sheega in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo dhowaan fasax ku maqnaa uu dib ugu laabtay Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaa uu maanta qadka taleefan kula hadli doonaa Madaxda Soomaalida iyo mucaaradka si xal looga gaaro khilafka doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan maadaama mudad xilheynta Madaxda dowladda uu geba-gabo yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here