Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo diyaarisay qaabka ugu fudud ee lagula xisaabtami karo hay’addaha ka howlgala dalka.

0
37

Jamaal Maxamed Xasan  Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay hay’addaha ka shaqeeyaa gudaha dalka ay sanadkii tagay kala hishiiyeen inay isticmaalaan bankiyada dalka lana rabo hadda in lagula xisaabtamo dhaqan galinta hishiiskaasi, laguna adkeeyo sida Soomaalida loogu xoojiyo inay isticmaalaan bankigayada dalka.

“Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacaga dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay sidaa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan galinta hishiisyada”ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya  waxa uu sheegay in kaliyada lacagaha dalka soo gali aysan laheyd shacabka Soomaaliyeed hase ahaatee ay jiraan hay’addo mashriic ka fuliya dalka sida la ogaaday lacag ka badan labo bilyan oo Doolarka Mareykanka ayaa soo gasha dalka sanadka kasta waana in la ogaado halka la mariyo iyo sida loo maareeyo .

“Lacago ka badana labo bilyan ayaa sanadkiiba soo gasha dalka marka waa in lala socdaa sida loo maareeyo iyo habraacyada loo maray iyadoo la dhaxmarinayo bankiga dalka ayuu yiri wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Sidoo kale Wasiirka Jamaal ayaa sheegay haddii aan la xisaabin lacagahaan iyo waxyaabaha ku xeeran waxaa laga yaaba in dhaqaale badan uu ka maqnaado nidaamka dowladda iyo shuruucaha lagu hago dalka .

Mar hadii aan kun darno xisaabta inagoo ku dhaqeyno sharuucda dalka waxa ay suura galineysaa in maalgashiyaasha ay kusoo dhiiradaan dalka taasne ay suuragalineyso hormaro la taaban karo.

Dhanka kale Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka qorsheynta xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaariyeen barnaamij lagula soconayo lacaga doolarka ee soo galo dalka halka lagu haayo iyo waxyaabaha lagu qabto. “Waxaan Sameynay Bar lagula socdo lacagaha doolarka ee dalka la soo galiyo halka lagu isticmaalo iyo goobaha ay yaalaan waxaana ka mid tahay qorsha ay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here